Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa Aas Qaran maanta loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw libaax.
Marxuumka ayaa waxaa Salaada Janaasada lagula dukaday Masaajid ku yaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Salaada Janaasada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Masuuliyiin kale.
Salaada Janaasada kadib Alle ha u naxariistee Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw libaax ayaa waxaa lagu soo duugay Qabuuraha ku yaalla Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Aaska Qaran ee Marxuumka loo sameeyay waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Maamul goboleedyada Dalka ka jira, Waxgaradka ka soo jeeda degaanada Jubbaland, Sanataro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasiirka uu ahaa Nin shaqo badan oo wax badan ka soo qabtay degaanada Jubbaland.




