DHAGEYSO: Warta-nabadda iyo Afgooye oo isaga haray Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa ayaa galabta waxaa ku tartamay Degmooyinka Afgooye iyo Warta-nabadda.

Waxaa Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sandkan taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.

Afgooye iyo Warta-nabadda ayaa galabta tartamay kulankooda 3-aad ee Tartamka Degmooyinka Risaala.

Degmada Afgooye oo ka socotay gobolka Shabeelaha Hoose iyo Degmada Warta-nabadda oo ka socotay gobolka Banaadir oo galabta tartamay ayaa waxa ay guusha ay raacday degmada Warta-nabadda oo keensatay 6 dhibcood halka Afgooye ay la timid 4 dhibcood, inkastoo Labada degmo ay isaga hareen tartanka.

Groupka A ee tartanka oo ay kuwada jiraan Degmooyinka Awdheegle, Dharkeynley, Afgooye iyo Warta-nabadda ayaa waxaa shalay wareega 3-aad ee tartanka u soo gudbay Degmooyinka Awdheegle iyo Dharkeynley.

Degmooyinka Afgooye iyo Warta-nabadda ayaa isaga haray tartanka Degmooyinka Risaala kadib markii ay noqdeen Labada Degmo ee ugu dhibcaha yar Group-ka A.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay degmooyinka Afgooye iyo Warta-nabadda.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadan ay noqon doonto 19 waxaa tartami doona degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag oo ku wada jira Group-ka B.