DHAGEYSO: Wariyaasha oo soo dhaweeyay hogaan cusub ee NUSOJ

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho lagu doortay hogaanka cusub Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ka dib doorasho Saacado badan qaatay oo muqdisho lagu qabtay.

Xoghayaha guud ee NUSOJ waxaa loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimuu, sidoo kale Gudoomiyaha NUSOJ waxaa loo doortay Maahir Jaamac Aadan.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka kala yimid gobolada Dalka ayaa soo dhaweeyay doorashada hogaanka Cusub, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in ay la yimaadaan isbedel masuuliyiinta la doortay.

Doorashada intii ay socotay waxaa madasha goobjoog ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Masuul ka socday Maxkamada Racfaanka, Ururada Haweenka Qaranka iyo kan gobolka Banaadir, qabiiro dhanka Saxaafada iyo marti sharaf kale.