ku simaha gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ahna Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada iyo amniga ee Axmed Meyre Macoow ” Axmed Faal” oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay safar maanta ay ku tageen isaga iyo wafdi uu hogaaminayo abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Cali Baashi deegaanka biyo cadde ee gobolkaasi.
Waxay koormeereen saldhigyada Ciidamada ay ka sameysteen deegaanka biyo cadde, waxayna warbixino ka dhageysteen Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan deegaankaasi.
deegaanka biyo cadde ayaa dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab, waxaana hada ku sugan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.


