Qarax xoogan ayaa ka dhacay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, waxaana Qaraxaasi ku dhintay 5 qof, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 10 kale.
Gudoomiyaha Magaalada Ankara Mehmet Kilicla ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa ayaa lala beegsaday sida aan wararka ku heleyno baabuur milatari oo maraya meel u dhow baarlamaanka Dalkaasi.
Telefishinka Dalka Turkiga ayaa laga arkaayay qiiq wayn oo madow hawada Ankara dusheeda.
Xigasho BBC


