Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh cismaan jawaari ayaa maanta magaalada muqdisho kula kulmay gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada dalka sida Galmudug, Jubbaland, iyo Koofur galbeed.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale loogu hadlay sidii Maamul goboleedyada dalka door muuqdo loogu siin lahaa dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga madaxa banaan.
Xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi buux oo kulanka ka dib Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada muqdisho ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyaabihii loogu hadlay kulanka.


