Weerar khasaare geystay ayaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya waxaa uu ku qabsaday Degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada hoose, kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo lagu magacaabo Cabdi C/laahi Maxamed oo la hadlay Risaala ayaa sheegay weerarka in uu ahaa mid gaadmo ah, maadaama Ciidamada ay ku mashquulsanayeen Gaari jidka dhexdiisa kaga ciladoobay.
Waxa uu sheegay in ay beeninayaan in Gaari looga gubay Dagaalkaasi, balse waxa uu tilmaamay in weerarkan ay kaga dhaawacmeen Labo Askari oo ka kala tirsan Ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM.


