Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay sii wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, iyo weliba hanaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.
Agaasimaha Guud iyo wifdiga uu hogaamanayey ayaa booqdey xarunta laga bixiyo Baasaboorka UK iyo weliba xarunta hubinta Dukumentiyada UK.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa la kulmey khubarada gacanta ku heysa Baasaboorka Soomaaliya isaga oo ka qaatey warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.




