DHAGEYSO WAREYSI: Faah faahin Dil ka dhacay Jowhar

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa toogasho ku dilay Qof shacab ahaa, kaasi oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Askriga ayaa Gurigiisa ugu yimid wiil dhalinyaro ah oo la soo dacweeyay, kaasi oo xilligaasi xanuunsanaa, isaga oo gudaha ku jira oo soo xiranayay dharkiisa ayaa waxaa durbadiiba yimid, wiil la dhashay wiilka Dacwada loo heystay, isaga iyo Askariga ayaa murmay, kadibna Askriga ayaa sidaasi ku toogtay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Aadan waxaana uu jiray 18 sano, sida uu Risaala u sheegay mid ka mid ah Dadka Degaanka.