Shalay gelinkii dambe waxaa dagaal adag uu xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo socday mudo saacado ah.
Guddoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahlusuna C/laahi Maxamed Bari ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas oo dadkii ku dhaawacmay maanta la geeyay isbitaalka magaalada Guriceel.
Inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa waxaa ku dhaawacantay 6 Qof oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana dhaawacyada loo kala qaaday Guriceel iyo Maxaas oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Hiiraan.


