DHAGEYSO WAREYSI: Dab xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dab xoogan oo xalay goor dambe ka kacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaano Suuqa Khaliifa, sida uu inoo sheegay Qof Goobjooge ah.

Dabkan ayaa ahaa mid ka dhashay koronto, sida ay sheegeen koox gar gaar halkaasi ka waday, waxaana uu baabi’iyay Ganacsiyo yar yar oo halkaasi ku yaallay.

Dad badan oo Ganacsiyo ku leh halkaasi ayaa isla xalay waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay ula socdaan Hantidooda in ay gubatay iyo in kale.

Kooxda Dab damiska ayaa halkaasi gaartay goor dambe waxaana dadaal dheer kadib lagu guuleystay in la damiyo dabka, maadaama ay ka hortageen in uu ku faafo meelo cusub.