DHAGEYSO WAREYSI: Ahlusunna oo Faahfaahisay Gaari iyo 3 qof oo ay qabatay

Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in Duleedka Degaanka Mareergur Ee Gobolka Galgaduud ay ku Qabteen 3 nin oo Watay Gaari noociisu yahay kaarib.

Ahlu Sunna waxa ay sidoo kale sheegtay in 3da nin ay Gacanta ku Dhigeen Ay uga Shakiyeen in ay Ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Nuur Xasan Qoryooleey oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku guuleystaan in 3 nin iyo gaariga ay wateen ay gacanta ku soo dhigaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Ahlu Sunna ay sii laba jibaarayaan howlgalada ay ka sameynayaan degaanada Gobolada Dhexe si loo xajiiyo amaanka guud ee degaanada Gobolada.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Nuur Xasan Qaryooleey ayaa shacabka gobolada dhexe ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee Maamulka Ahlu Sunna.