Tababare Arsene Wenger ayaa wadahadal la furi doona maamulka Gunners kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu si aan qarsooneyn u shaacin doono mustaqbalkiisa, inkastoo ilo xog-ogaal ah ay xaqiijiyeen inuu dhawaan ku dhawaaqi doono inuu sii joogayo Emirates.
Arsenal ayaa shaaca ka qaaday in go’aan walba ay qasab tahay in la wadaago isla markaana aysan noqon doonin mid uu Wenger hoos ugu dhigo mustaqbalkiisa Gunners.
Si kastaba Gunners ayaa haatan ka fakareysa mustaqbalka xidigahooda ugu wanaagsan Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez kuwaas oo aan wali saxiixin heshiis cusub.
labadaan xidig ee 28-jirada ah heshiiskooda wuxuu dhacayaa dhamaadka xagaaga 2018, waxeyna dalbanayaan mushaarka ay qaataan xidigaha ku tayada ah ee asaagooda ah kuna sugan horyaalka Premier League.
Xigasho Laacib


