DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee kulamada ka socda Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya wadahadalada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland in ay meel gabo gabo ah ay marayaan.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa kulan qaatay mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac, waxaana magaalada Garowe ku sugan diblumaasiyiin iyo waliba xubno kale oo ka socda beesha caalamka.

Wararka qaar oo ay heleyso Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in dhinacyada dowladda Soomaaliya, Puntland iyo beesha caalamka ay wax badan isku fahmeen laakiin aan wali saxaafada loo soo bandhigin.

Wararka qaar oo laga helayo ilo madaxbanaan ayaa sheegaya in Puntland ay dalbatay in laga taageero dhincyada mashaariicda hormarineed.

Horey ayay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka waxa ay isugu raaceen in baarlamaanka la soo dhisayo lagu soo xulo nidamka 4.5-ka.