DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Puntland ka socdo

Waxaa wali soconaya dagaalada u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Al-shabaab kuwaasi oo maanta ka bilowday deegaan ku yaala duleedka GARACAD oo ah goobtii ugu horeysay oo Alshabaab ay tageen kana tirsan Puntland.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Dabaro oo ku yaala duleedka degmda Garacad, waxaana dagaalka uu socdaa muddo saacado ah.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa inoo sheegay in dagaalka khasaarihiisa aan la ogaan karin, balse dib ay kasoo sheegayaan,maadaama dagaalada wali ay soconayaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta labada dhinac isweydaarsanayaan laga maqlayo deegaano fog fog, sababtoo ah goobaha lagu dagaalamayo ayaa ah meelo miyi ah.

Ma jiro faahfaahin rasmi ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo haddana Puntland kama aysan hadlin dagaalka.