Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalanad iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa saaka si wadajir ah saxaafada ugula hadlay aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.
Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha Jubbaland iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micahael Keating ayaa waxaa ay ka wadahadleen arimo ay kamid tahay doorashooyinka dhowaan dalka ka qabsoomi doona iyo amniga deegaanada Jubbaland.
Michael Keating ayaa xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, taas oo hadda fadhi u ah maamulka Jubbaland.
Dowlada federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ayuu xusay in ay kaalmo la garab taagan yihiin waxaana uu xusay in dhinacyada Soomaalidu ay ku daydaan Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in mudada uu halkan joogay Michael Keating ay ka wadahadleen arrimo badan oo dhinaca ammaanka ay si gaar ah diirada u saareen.


