DHAGEYSO: Wajigii labaad Barnaamijka Afuri ee Risaala oo lagu Afuriyay 70 Qoys “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Wajiga labaad Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee Idaacadda Risaala ayaa maanta waxaa lagu Afuriyay Qoysas gaaraya 70 Qoys, oo aad u liitay, kuwaasi oo u baahnaa gar gaar bani’aadanimo.

Dhaqaalaha ayaa waxaa laga soo aruuriyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala, kuwaasi oo wixii ay aboodaan ku yaboohay Barnaamijka Afuri oo hel laba AJir.

Waa wajigii labaad oo Deeqdan laga qeybiyo Degmada kaxda halkaasi oo ay ku nool yihiin Qoysaska ku soo barakacay Gobolka Banaadir, kana soo cararay Abaaraha ka jira gobolada dalka.

Agaasimaha Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi oo ka hadlay madashii Deeqdaasi lagu qeybinayay ayaa sheegay Dhaqaalahan in laga soo aruuriyay Dhageystayaasha Risaala oo kaalin muuqata ka qaatay gar gaarkan bani’aadanimo ee loo fidiyay dadkan aan heysan wax ay ku afuraan.

Mudane Maxamed C/wahaab C/aalhi Agaasimaha Idaacadda Risaala ayaa sharaxaya dhaqaalaha Risaala ay aruurisay iyo Qoysaska qaabka loogu qeybiyay.

Sheekh Maxamed oo ka mid ah culimada ku nool Degmada Kaxda kuna sugnaa goobta ayaa sheegay dadkii soo aruuriyay Deeqdan in Ajir badan ay ka helayaan, maadaama walaalahooda dhibaateysan ay u gar gaarayaan.

Dadkii Deeqdan la gaarsiiyay ayaa u mahadceliyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala, waxaana ay sheegeen Deeqdan maanta la soo gaarsiiyay in ay aheyd mid ay u baahnaayeen, maadaama ay ku jiraan dad sooman oo aan meelna ku ogeyn Afurka, saxuur iskaba daayee.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil oo u mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Risaala, wuxuuna sheegay kalsoonida Deeqdan lagu soo aruuriyay iyo mida lagu qeybiyay in ay muujineyso in shacabka Soomaaliyeed ay is gar gaari karaan.

Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ayaa maalin kasta ka baxa Idaacadda Risaala 04:00 ilaa 05:00 galabnimo, waxaana dhageystayaasha Risaala ee ku sugan dal iyo dibadba ay ka qeyb qaadanayaan u gurmashada dadka dhibaateysan.

 

DSC_1150 DSC_1151
DSC_1156 DSC_1157 DSC_1158 DSC_1161 DSC_1162 DSC_1164 DSC_1167 DSC_1170 DSC_1171 DSC_1173 DSC_1175 DSC_1177 DSC_1181 DSC_1188 DSC_1206 DSC_1207 DSC_1208 DSC_1217 DSC_1226 DSC_1228 DSC_1229 DSC_1232 DSC_1241 DSC_1244 DSC_1245 DSC_1261 DSC_1268 DSC_1272 DSC_1277 DSC_1279 DSC_1280 DSC_1288 DSC_1291 DSC_1294 DSC_1303