DHAGEYSO: Faah faahin Qarax ka dhacay Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Qarax lagula eegtay Degaanka Xaanshooley oo 5 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Jowhar.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inta la ogyahay Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeryootay Saddex Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 Askari oo kale sida ay inoo sheegaan dad goobjoogayaal ah.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe inooga soo diray wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.