Dabaylo ka kacay magaalada Cape Town oo dad dilay “SAWIRRO”

Ugu yaraan Sideed qof ayaa dhimatay kumanaan dad ahne waa ay barakaceen kadib markii magaalada Cape Town ay ku dhufteen dabaylo xoogan oo ay sababeen roob xoogan oo da’ay.

Magaalada Cape Town iyo meelaha u dhaw dhaw ayaa la sheegayaa in Afar qof ay ku dhinteen dab sababay holac iyadoo sidoo kale Saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii uu ku soo dumay gurigii sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka musiibooyinka.

“Dabkan ayaa si aad iyo aad ah u fiday,”sidaasi waxaa wakaalada wararka Africa u sheegay Clinton Manuel, oo ah madaxa dab damiska magalada Knysna oo ka tirsan magaalada Cape Town.

Eleanore Bouw-Spies oo ah duqa magalada Knysna ayaa dabkan waxa uu ku qeexay kii ugu darnaa ee sanado soo maro.

Saraakiisha gurmadka deg dega ayaa sheegay in magaalada loo dirayo dab damisyo dheeri ah.

James Styan oo ah Afahyeen u hadlay Dowladda hoose ee galbeedka Cape ayaa sheegay in 8,000 ilaa 10,000 qof laga daad gureeyay guryahoodii sababo la xarriiro dabka.

 

daadad dabeylo