Maanta wabiga Shabeelle ayaa waxaa lagu arkay biyo badan islamarkaana gees ka gees biyaha uu wada gaarayay.
Inta badan dhalinyarada da’adoodu ka yar tahay 40ka sano ayaan arag weligood iyadoo xiintoyda aysan biyo ka soo dhacayn, waxaana maalmihii la soo dhaafay dadku ay u daawasho tagayeen xiintoyda si ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadaan.
Beeralay badan oo ku nool hareeraha wabiga Shabeelle ayaa ku farxay wabiga oo biyo keenay waxaana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay soo kordhaan biyaha maadaama la galay xilligii guga.
Mid ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada guud ee wabiga.


