Iyadoo wali wadahadlo ay u socdaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, waxaana wadahadaladaasi ay yihiin kuwo aan wali la isku fahmin.
Dowladda Turkiga ayaa waxa ay aad ugu dadaaleysaa sidii ay u dhex dhexaadin lahayd dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Shalay waxaa gaaray magaalada Garowe xubno ka socda dowladda Turkiga, iyadoo xubnahaas ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Wararka ay heleyso Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegayaan in haatan Puntland ay xoogaa ka soo dabacday mowqafkeedii ku aadanaa diidmada 4.5-ka.
Dowladda Soomaaliya ayaa aad dadaal ugu bixineysa sidii Puntland ay ogolaan laheyd nidaamka 4.5-ka.


