Muqdisho-RisaalaFM- Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaafada Macaani ee degaanka Garasbaaley galabta wuxuu ku toogtay laba nin oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasi oo xilligaasi saarnaa mooto Bajaaj.
Toogashada raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii qaar ka tirsan shacabka ku nool xaafada Macaani ay ka soo dhaceen telefoonada gacanta, islamarkaana iyaga oola eryanaya uu ka hor yimid askarigan, sidaasina lagu toogtay.
Intaasi kadib guddoomiyaha degaanka Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble iyo hay’adaha ammaanka ayaa waxay tageen goobta uu falka ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen ninkii waday mooto Bajaajta iyo bastooladihii ay wateen labada nin ee la toogtay.
Gudoomiyaha Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay in hay’adaha ammanka ay ku wareejiyeen wadaha mooto Bajaajta iyo hubka ay gacanta ku soo dhigeen, wuxuuna ciidanka ammaanka iyo shacabka uga mahadceliyay wada shaqeynta ay muujiyeen.
“Waxaan gacanta ku dhignay laba nin oo la toogtay iyo hubkii ay wateen, iyo wadaha mooto Bajaajta oo nool, waxay ahaayeen niman burcad ah oo dhac ka geystay xaafad ka tirsan Garasbaaley, askari ayaa toogasho ku dilay raggan, kadib markii ay shacabka ka dalbadeen inuu garab siiyo, hay’adaha ammaanka ayaa la wareegay kiiska, waxaan u mahadcelinayaa wada shaqeynta shacabka Garasbaaley”. ayuu yiri guddoomiyaha Garasbaaley.
Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda maalmahan waxaa ku soo kordhay burcada hubeysan ee dhaca u geysanaya shacabka Soomaaliyeed, inta badan ma dhacdo in gacanta lagu dhigo ragga hubeysan ee dhibaateeya shacabka.


