DHAGEYSO: Taliye Cirfiid oo digniin u diray dadka degan Guryaha Ciidamada

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo la hadlay Saxaafadda ayaa Dadka shacabka ah ee degan guryaha ay leeyihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay si deg deg ah uga baxaan.

Taliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay guryahaasi ,islamarkaana dadka Shacabka laga rabo in ay ka guuraan si ay ugu shaqeeyaan Ciidamada xoogga.

Sidoo kale waxaa uu xusay in loo qabtay Muddo gaaban oo ah in ay uga baxaan Guryaha Bishaan gudaheeda.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Amarada taliska ,islamarkaana ay guuraan inta aan xoog looga saarin.

Taliska Ciidamada ayaa dhowr jeer ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay ka guuraan guryihii ay la haan jireen Ciidamada Milatariga Soomaaliya.