Sh/Hoose-RisaalaFM- Ciidamada AMISOM ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku qabsadeen dad uu xabsiga ka sii daayay.
Dadkaan xabsiga laga sii daayay ayaa waxa ay yihiin dad shacab ah, balse ay soo qabteen Ciidamada AMISOM, markii dambena ay ku wareejiyeen Saldhiga Booliska Qoryooley.
Taliyah Saldhiga Qoryooley Cali Maxamed Aadan, ayaa sheegay baaritaan kadib in dadkaasi ay sii daayeen, maadaama shacab ay ahaayeen oo Shabaab aysan raad ku laheyn.
Wuxuu sheegay markii dadkaasi ay sii daayeen ciidamada AMISOM ay ku qabsadeen sababtii loo sii daayay dadkaasi, balse ay u sheegeen dadka inay yihiin kuwa rayid ah oo Shabaab aanan raad ku laheyn.
Taliyaha Saldhiga Qoryooley wuxuu beeniyay Ciidamada AMISOM inay xireen, kadib markii qaar ka tirsan Warbaahinta ay baahiyeen in Ciidamada AMISOM ay xireen Sarkaalkaasi.


