Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha, isaga oo kormeeray Hannaanka shaqo ee hay’addahaasi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaraddaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Wasaarada Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay Agaasime waaxeedyada, Agaasimayaasha Guud, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.
Mudane Khayre ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, Waxa uuna la kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Marwo Samra Ibraahim Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dr. C/qani xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), waxa uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dr C/qani Sheekh Cumar oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Ra’iisaul Wasaaraha ay u gudbiyeen baahiyaha ka jira Xafiisyada.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu joogteyn doono Koormeerka kediska ah ee uu ku tagaayo Wasaaradaha Xukuumada.
Waxa uu sido kale sheegay in shaqaalaha Dowladda lagula Xisaabtamayo gudashada waajibaadka loo igmaday iyo in ay si Daacad ah u qabtaan shaqooyinka loo diray.









