DAAWO: Haweeney ku eedeysneyd Argagixiso oo Meydkeeda la helay

Kenya-RisaalaFM- Mid ka mid ah dadka ay Kenya sida weyn u baadi goobeysay loogana shakisan yahay Argagixisanimada Faadumo Maxamed Muuse ayaa la helay Meydkeeda.

Faadumo Maxamed ayaa ayaa Dowladda Kenya waxa ay madaxeeda dul dhigeen Labo Milyan oo ah lacagta Kenya, taasi oo aheyd xaaska Qaasim Mondi oo Boolisku ay ku dileen weerar ay qaadeen sanadkii 2013-kii.

Saraakiisha Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay si dhab ah u xaqiijinayaan in Qofka la helay ay aheyd Gabadhaasi, waxaana horey loogu eedeeyay in ay marti gelisay nin kale oo Argagixiso ahaa.

XIGASHO: HCTV