Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay falal amnidarro ka dhacayeen degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir loona geystay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay laamaha amniga fareen ka hortaga dilalkaas iyo falalka amnidarro.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika ayaa sheegay in Magalada Muqdisho ay kusoo kordhiyeen ciidamo farabadan oo suga Amniga,isla markaana ku filan,xilli uu sheegay in horay ay u jirtay in lagu cel celin jiray in aan la heysan ciidamo ku filan sugida anmniga,hayeeshee taasi ay dhamaatay,isla markaana dhamaan Saldhigyada Booliska Muqdisho ay kusoo kordhiyeen Ciidamo cusub.
Waxa uu faray laamaha Amniga Soomaaliya inay ka hortagaan falalka amnidarro ee ka dhacaya degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.
Dhawaan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir kusoo kordhisay ciidamo cusub oo tababar kasoo baxay,hayeeshee waxaa Gudaha Magaalada muqdisho si caadi ah uga dhacaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo askarta iyo cid kasta oo xiriir la leh dowladda Soomaaliya,dilalkaas oo ay mas’uuliayooda sheegtaan Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso codka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.



