DHAGEYSO: Taliska Taraafikada “Dhibaato ayaan ku qabnaa Gaadiidka Dowladda”

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Taraafikada ee qaabilsan ilaalada wadooyinka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan Gaadiidka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Askarta aan u hogaansamin sharciga marista wadooyinka.

Cali Maxamed Cali oo ah Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay dhibaato ku hayaan Ciidamada Taraafikada, xilliga ay marayaan wadooyinka.

Wuxuu sheegay Ciidamada Taraafikada qaarkood in la xiray oo la jirdilay, dhibaatadaasna ay geysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ilaalada wadooyinka oo wadoouyinka Muqdisho taag taagan ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma Howlaha hubinta sharciyada Gaadiidka wadooyinka Muqdisho mara.