Saraakiisha Ciidamada Millatariga Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Millitariga ay qaadeen kuna qaadeen Degaanka Tuulo Barwaaqo oo 18-KM u jirta Degmada Garbahaarey in lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab.
Saraalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Qanaas ayaa ahaa Taliyihii ugu sareeyay ururka Al-shabaab ee Gobolka Gedo, sida saraakiisha ay sheegeen.
Sidoo kale saraakiisha waxa ay sheegeen Labo ruux oo Al-shabaab ka tirsan in lagu soo qabtay Holwgalka ka dhacay Degmada Garbahaarey Duleedkeeda, sida uu shaaraxyo sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.


