Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay goor dhow soo gaba gabeeyeen diiwaangelinta musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada dalka.
Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay diiwaangelinta xubnaha u tartamaya xilka ugu sareeya dalka.
Waxa ay tilmaameen Guddiga illaa iyo hadda in ay diiwaangeliyeen 24 musharax, tan iyo 26-kii bishan. Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa si rasmi ah u bilaabatay Khamiistii la soo dhaafay.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo fadhigoodu uu yahay Villa Hargeisa, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku qaabilaayay musharaxiinta.
Magacyada musharaxiinta is diiwaangelisay
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
3. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
4. Maxamuud Maxamed Culusow.
5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
6. C/naasir Cabdulle Maxamed.
7. Bashiir Raagge Shiiraar
8. Maxamed Cali Ameeriko
9. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
10. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
11. Saciid Cabdullahi Dani
12. Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame.
13. Jibriil Ibraahim Cabdulle.
14. Saciid Ciise Maxamuud.
15. Cali Xaaji Warsame
16. Xasan Sheekh Maxamuud.
17. Maxamed Cabdirisaaq.
18. C/llaahi Cali maxamed (Cadow Cali gees)
19. C/llaahi Ciilmooge Xersi.
20. Xaaji Maxamed Yaasiin.
21. Axmed Maxamed Cabdi.
22. Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.
23. C/llaahi Cali Xasan.
24. Maxamed cali Jabarti.



