Qoryooley-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Dowladda Cali Maxamed Aadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa faah faahiyay Howlgallo ay ka sameeyeen degaanada hoosyimada degmada Qoryooley.
Wuxuu sheegay Ciidanka intii howlgalkaasi ay ku guda jireen in ay ku soo qabteen Xoolo Shabaab ay ka soo dhaceen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool degaano ka tirsan gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa sheegay xoolahan ay soo qabteen in ay soo hadleen dadkii lahaa, ayna ku simi doonaan, isaga oo Ciidanka ku ammaanay howlgalada ay wadaan.
“Anagaa weerarnay waxaan ka soo qabanay xoolo ay ka so dhaceen Dhoobley, 20 neef oo Lo’ah ayaan gacanta ku haynaa, Howlagalada Ciidamada ma joogsanayaan, ilaa aan ka saarno degaanada Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri.
Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ururka Al-shabaab looga saarayo degaanada gobolka Shabeellaha Hoose.


