Cadaado-RisaalaFM- Wasaaradda Amniga ee Maamulka Galmudug Soomaaliya ayaa soo bandhigtay caqabada Wasaaradda ka heysta dhanka amniga.
Masuuliyiinta Wasaaradda amniaga ayaa shirka Golaha Wasiirada Galmudug ka hor jeediyay warbixinta amniga ee degaanada Galmudug iyo qorshayaasha ay Wasaaradda u dajisay.
Wasaaraddu waxa ay sidoo kale sheegtay in ay socdaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanada Galmudug.
Si loo xaliyo caqabadaha Wasaarada amniga heysta waxaa loo saaray Guddi wasiiro ah warbixina laga sugayo guddigaasi.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Jaamac Afrax (Heeloos ) ayaa warbaahinta u sharaxay qorshaha amniga ee Galmudug iyo sida ay u soo bandhigtay Wasaaradda amniga ee Maamulkaasi.


