Gaas oo dib ugu soo laabtay Puntland

Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ka dib markii uu ka soo laabtay gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan, soona maray dalka isku taga Imaaraatka Carabta.

C/wali Gaas waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka, kan degmada, sarakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay dalka isku taga Imaaraatka Carabta, wuxuuna la kulmay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac oo ay ugu horeyso dhismaha Dekeda cusub ee magaalada Boosaaso.

Ka sokow gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan, Madaxweynaha Puntland wuxuu dalka Sacuudiga shir kula yeeshay qaar ka mid ah Amiirada Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ka wada hadleen mashaariic kala duwan.