DHAGEYSO: SOSCENSA oo baaq kasoo saartay Abaaraha ka jira dalka ” Sawirro”

Kulan looga hadlayay Abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya .

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururada Bulshada Rayid ee Marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano SOSCENSA.

Xoghayaha u qareemidda  ururka SOSCENSA Mustaf Yaasiin Sheekh  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Abaaro ba’an ay ka jiraan gobolada dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya , Ganacsatada Soomaaliyeed iyo guudahaanba bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay gurmad u fidiyaan dadka ku dhibaateysan gobolada dalka Soomaaliya ee ay saameeyeen Abaaraha.

Ugu dambeyntii Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa Warbaahinta u Aqriyay baaq ay soo saareen Ururada Bulshada Rayid ah.

2 1 15645705_1815306275394818_401048271_n