Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dacwad u gudbinayaan Maxkamada Caalamiga ah ee Hague , taasoo ku aadan in kuraasta xildhibaanada Aqalka Hoose qaarkood oo la musuqmaasuqay.
Xildhibaanadaasi oo ah kuwo looga guuleystay doorashooyinkii ka dhacay Caasimadaha Maamulka Goboleedyada ayaa sheegay in kursigoodii lagu dhacay si xaqdaro ah.
Maxamuud Maxamed Maxamuud (kula-lihi) oo ka mid ah Xildhibanadaasi ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay dacwad u gudbiyaan Maxkamada Caalamiga ee The Hague ,madaam kuraastoodii lagu dhacay si xoog ah.
Waxaa uu xusay in ay hayaan Cadeymo muujinayaan Musuqmaasuqa loo geystay.
Doorashadii Aqalka Hoose ee ka dhacday dalka ayuu sheegay in aheyd mid ay hareeyeen Musuqmaasuqyo xoogan.


