Wasiirada Arimaha dibada ee Ururka Midowga Yurub iyo sidoo kale kuwa arimaha Dibada Jaamacadda carabta oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Qaahira ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Caasimadaha Maamul goboleedyada.
Wasiirada ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u dhaqaaqday , islamarkaana dalalka Caalamka loogu baahan yahay in ay garab istagaan dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale waxa ay ka hadleen dhaqaalaha Soomaaliya , waxaana ay sheegeen in dalalka Midowga Yurub iyo sidoo kale Jaamacadda Carabta ay dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan sare u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirada ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Ammaanka Soomaaliya waxaana ay xuseen in ay haboon tahay in la xoojiyo tayeynta ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed , si ay u hantaan Ammaanka dalka.
Ugu dambeyntii Wasiirada ayaa sheegay in ay wali jirto khatarta Xarakada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay haboon tahay in loo Midoobo la dagaalanka Argagixisada.
Waxa ay sidoo kale xuseen in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan sidii looga hortagi lahaa Weerarada Al-Shaabab.
Dalalka Caalamka ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay sheegayay in dalka Soomaaliya uu horay u dhaqaaqay ,islamarkaana uu gaaray horumar wanaagsan.


