Dhageyso:-Soomaaliya oo ka hadashay qaxootiga la gaynayo Rwanda

Dowladda Rwanda ayaa aqbashay inay qaabisho boqolaal qaxooti African ah oo megangalyo doon ah oo ku jira xeryo ku yaala dalka Libya.

Rwanda ayaa ku oglaatay qaabiladda qaxootigan heshiis ay shalay magaalada Addis Ababa kula gaartay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Midowga Africa, islamarkaana fulintiisa uu maal-gelinayo Midowga Yurub.

Qeybta ugu horreysa oo ah 500 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo haween u badan kuwa ka soo jeeda Geeska Africa ayaa loo daad gureynayaa Rwanda toddobaadyada soo socda.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi ayaa ka hadlay Go’aanka qaxootiga lagu geynaayo Rwanda  iyo dowladda dalkaas oo aqbashay.