Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Magalada Garoowe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa uu dib ugu soo labtay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal,kadib safar uu dhawaan u tegay dalalka Itoobiya iyo imaaraadka.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay,Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka Puntland,Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Garoowe.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo Warbaahinta la hadlay aya kaliya kusoo koobay in Madaxweyne Deni dib ugu soo laabtay dalka,isla markaana uu booqasho ku tegay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka.

Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Puntland uu safaro kala duwna ugu ambabaxay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaanan wax war ah laga helin safarkiisa, iyada oo bahda Warfaafinta u qaabilsan Madaxweyne Deni aysan faah faahin.