Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka oo la kulmay Xisbiyada Siyaasada

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarrunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa waxa ay mar kale kula kulmeen Axsaabta siyaasadda ee dalka.

Kulan uu Guddiga la yeeshay Axsaabta siyaasadda waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii ay Axsaabta siyaasadda ay guddiga ugu soo gudbin lahaayeen qodobo muhiim ah oo ku saabsan sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ka dhagaystay Asxaabta siyaasadda dalka talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu haatan guddiga soo diyaarinaayo.