Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta Shirkadda ugu weyn Mareykanka ee sameysa Diyaaraddaha.
Wasiirka ayaa Mas’uuliyiinta Shirkadda kala hadlay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in ay dib u soo celiso Shirkadda Diyaaraddaha ee Soomaaliya.
Oomaar oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in uu Mas’uuliyiinta Shirkadda kala hadlay Sidii ay xarun uga furan lahaayeen Geeska Afrika, waxaana uu sidoo kale ka codsaday in ay Soomaaliya kala taliyaan Iibsashada Diyaarado loogu tala galay in uu yeesho Qaranka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ay dib u soo celiso Shirkaddii Diyaaraddaha ee Somali Airline.



