Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in dowlad degaanka ay xoojin doonaan isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya.
“Waxaan sii xoojin doonaa is-kaashigii taariikhiga ahaa ee dhinaca ganacsiga ee soo jireenka ahaa, waxana aannu rajaynaynaa inay korodho isdhexgalka dhaqaale marka uu mashruucani dhammaado.” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Maxamed Cagjar.
Madaxweynaha ayaa ammaanay kaalinta ay kaga jirto iskaashiga dhinaca ammaanka iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, isaga oo bulshada iyo xukuumadda Somaliland-ba ku bogaadiyey inay sii kordhiyaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay Somaliland u soo jiidan lahayd bulshada caalamka.
Waxaa uu tilmaamay in Somaliland iyo dowlad degaanka ay yeelan doonaan xiriir Cusub oo ka duwan Midkii hore, waxaana uu xusay in dowlad degaanka ay ka go’an tahay xoojinta Xiriirka labadda gobol.



