Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali ayaa dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay madax sare oo ka tirsan dalka Talyaaniga.
Kulanka ka dib ayuu wasiiru dowlaha wasaaaradda arimaha dibada Khaalid Cumar waxa uu sheegay in dalka Talyaaniga ay kala hadleen sare uqaadista xaaladaha guud ee Soomaaliya ka jira iyo sidii labada dowladood loo xoojin lahaa xiriirkooda.
Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in wafdi heer sare ah oo Talyaaniga ka socda ay dhowaan booqasho ku imaan doonaan dalka Soomaaliya, iyagoo soo indha indheynaya xaalada dhabta ah ee dalka ka jirta.
Dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka taageera dalka Soomaaliya, iyadoo sanadihii udambeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga uu xiriirkooda ahaa mid sii xoogeesta.


