Hargeysa-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka Maamulka Somaliland ayaa Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland waxa ay ku xireen Saddex ka mid ah xubnaha Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo halkaasi kaga dhawaaqay Ururka Asaadicuuna Bil Xaq.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada Boolisku xireen raggaan kadib markii la ogaaday inay amniga Somaliland khatar ku yihiin ururkaani, waxaana lagu soo qabtay Saddexdaasi xubnood hawlgal ay Boolisku sameeyeen oo qaatay in ka badan 8 saacadood.
Waxa uu sidoo kale sheegay Taliyaha Booliska C/laahi Fadal Iimaan in raggan ka tirsan Asaadicuuna bil xaq, in dhawaan Maxkamadd la soo taagi doono, islamarkaana lagu ridi doono waxa uu sharciga ka qabo dadka halista ku ah amniga Somaliland.
Dhawaan Ururka Asaadicuuna bil xaq ayaa loogu dhawaaqay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, balse Puntland ayaa sheegtay in dagaal lala gali doono ururka oo la sheegay in uu Qatar ku yahay Diinta Islaamka.


