DHAGEYSO: Hay’adda Culimada oo bayaan ka soo saartay kooxda Asaaciduuna bil xaq

Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan maanta soo saartay ayaa waxa ay ka digtay kooxda Alsaaciduuna bil xaq, taasi oo looga dhawaaqay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya.

Hay’adda Culimada ayaa bayaankeeda waxa ay ku sheegtay shacabka in looga baahan yahay in ay ka hortagaan, inta aysan ku fidin guud ahaan dalka.

Bayaanka ka soo baxay Hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Sheekh Muuse Axmed Ciise.

 

17757405_10155190741494347_4874980387970025332_n