Hargeysa-RisaalaFM- Masuuliyiinta maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadleen sicir bararka saameeyay dadka shacabka ah ee ku nool Degaanada maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee maamulka Somaliland oo saxaafada kula halday magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in qarash dheeraad ah ay geliyeen Degaanada maamulka Somaliland, gaar ahaan suuqyada waa weyn ee ku yaalla Hargeysa iyo Burco, si looga hortago sicir bararka.
Waxa uu sheegay Somaliland in ay qaaday Talaabo loogu tala galay in looga hortago sicir bararka, islamarkaana ay kula dagaalami doonaan qarash dheeraad ah oo ay geliyeen suuqyada Somaliland.
Dadka shacabka ah ee ku nool magaalooyinka waa weyn ee Somaliland ayaa bilhii la soo dhaafay waxa ay dhigayeen banaanbaxyo waa weyn oo ay kaga cabanayeen sicir bararka waa weyn ee Degaanada Somaliland.



