Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada maamulka Somaliland oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen sidii ay uga qeyb gali lahaayeen doorashada Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaasi ay u dhan yihiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda degaanada maamulka Somaliland.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka laabteen go’aankii ay horay u qaateen oo ahaa in aysan ka qeyb galeen doorashada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay ka dib kulan ay ku yeesheen Muqdisho in ay ku heshiiyeen in ay ka qeyb galaan doorashada.


