Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo ku aadana in dowladda Soomaaliya lagu wareejinaayo maamulka Hawada.
Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada maamulka Somaliland Farxaan Aadan heybe ayaa sheegay in Somaliland marnaba aysan aqbali doonin in hawadda lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya inta ay Soomaalidu ay dirirsan tahay.
Wasiirka ayaa sheegay hadii ay dhacdo in hawadda lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya in Somaliland ay ka dagaalami doonto ,islamarkaana qalqal Amni uu soo gaari doono Geeska Afrika.
Farxaan Aadan heybe ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay xiriir la sameeyay Mas’uuliyiinta Hawada u qaabilsan Adduunka , islamarkaana ay u caddeeyeen Somaliland in aysan dhicin doonin in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo hawadeeda.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in maamulka hawadda Soomaaliya gacanta lasoo galiyo , maadaama Xilligii burburka ay la wareegeen Hay’ado iyo sidoo kale dowladdo Shisheeye.



