DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo Baaq diray Madaxda Puntland iyo Galmudug

Madaxweynaha Mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe”  ayaa kahadlay Heshiiska ay waa gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Punland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiiska ay labada Madaxweyne wada gaareen u wax badan ka badali doono Xaalada degaanada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in a muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii la isku fur lahaa wadooyinka xeran ee degaanada Puntland iyo Galmudug.

waxa uu rajo waaagsan ka muujiyay dhaqan gelinta Heshiiska ay wada gaareen labada Madaxweyne isla markaana faa’iido ay ka heli doonaa shacabka labada Maamul.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay labada Madaxweyne iney yeeshaan Xiriir wanaagsan kana shaqeeyaan sidii la isku soo dhaweyn lahaa shacabka labada Maamul.

shalay ayaa waxaa Magaalada Cadaado Heshiis ku wada Saxiixday Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana qodobada ay ku heshiiyeen ka mid ah Xasilinta degaanada labada Maamul iyo wanaajinta Xiriirka labada Madaxweyne.