Siyaasi Xuseen Cali Xaashi oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug kuna nool dalka UK ayaa kahadlay xiisadaha u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu suna ee ka taagan gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay mudane Xuseen Cali Xaashi in colaadu aaney xal aheyn oo loo baahanyahay in ay wada hadlaan labada dhinac, isagoo u jeediyey dowlada Soomaaliya in ay qaadato kaalinteeda ku wajahan xalinta qilaafka u dhaxeeya maamuladaasi.
Waxaa dhinaca kale uu ka hadlay siyaasigu abaaro ka jira deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in laga wada qeyb qaato badbaadinta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada Galmudug.