Sii hayaha Xilka Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug Maxamuud Cilmi Gulaafe oo hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sida ay u shaqeeyaan ciidamadii dhawaan loo sameeyay Suggida Amniga Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Hadda ay si weyn u shaqeeyaan ,islamarkaana ay xaqiijiyeen Ammaanka Magaalada Gaalkacyo.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan waxyaabo badan oo ka dhiman ciidamada Maadaama mar dhow la sameeyay.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in wali ay jiraan dhacdooyin amni daro ah oo ka taagan degaanada ku yaalla Miyiga gobolka Mudug,islamarkaana ciidamada Isku dhafka ah aysan arintaasi waxba ka qaban karin maadaama beelaha dagaalamaya ay hubeysan yihiin.
Dowladda Dhexe iyo maamulada Galmudug iyo Puntland ayuu ugu baaqay in lasoo soo dhameystiro Ciidamada waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa bil ka hor ciidamo isku dhaf ah u sameeyay Magaalada Gaalkacyo.



